Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in Itoobiya ay ikhtiyaar u leedahay inay ciidamadeeda la baxdo

Tuesday, November 18th, 2008 at 6:34 pm

Horseed Media

Tripoli

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo dhoweeyay in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, haddiiba ay taasi ku jirto danta ammaanka Geeska Afrika.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu sheegay in Itoobiya ay tahay dowlad madaxbannaan oo ikhtiyaar u leh la bixida ciidamadeeda.

 

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu sheegay inuusan xumeyn xiriirka ka dhaxeeya dowladdiisa iyo Itoobiya, gaar ahaan wuxuu madaxweynuhu sheegay in ay isku fiican yihiin isaga iyo mas’uuliyiinta dalka Itoobiya.

 

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyadoo Itoobiya ay ku guul darreysatay in ay xal u hesho khilaafka u dhaxeeya madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisal wasaare Nuur Cadde.

 

Dowladda Itoobiya waxay horey ugu eedeeysay hogaanka sare ee dowladda kmg ah inuu ku guul darreystay xal u helinda ammaan darrida dalka Soomaaliya.

 

Dhowaanahan waxaa aad u soo shaac baxayay khilaaf laga dareemayo inuusan sidiisii hore ahayn xiriirkii ka dhaxeeyay madaxweyne C/laahi Yuusuf  iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda afka Soomaaliga ee VOA.