11 qof oo ku dhaawacmay Weerarkii Kyiv ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka

4 May, 2025

Diyaaradaha Drones-ka ayaa duqeeyey dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla degmooyinka Obolonskyi iyo Sviatoshynskyi ee Kyiv.

Weerar habeen-hore ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen caasimadda Ukraine ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah, waxaana madaxweyne Volodymyr Zelenskiy uu Axaddii ku baaqay xabbad-joojin dhab ah oo soconaysa ugu yaraan muddo bil ah, dagaalkan oo socda in ka badan saddexda sano.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay xabbad joojin saddex maalmood ah oo socon doonta 8-10-ka May si loo xuso sannad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay guushii Midowga Soofiyeeti iyo xulafadiisa ee dagaalkii labaad ee Adduunka, tallaabadaas oo u muuqatay mid lagu muujinayo in Ruushku weli daneynayo nabadda.

Zelenskiy waxa uu ku celiyay baaqiisa ku aadan in la joojiyo dagaalka.

“Ruushka ayaa ku baaqaya xabbad-joojin … iyagoo duqeenaya Ukraine maalin kasta. Ruushku wuxuu isticmaalay in ka badan 1,180 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, 1,360 madaafiic, iyo 10 gantaal oo noocyo kala duwan ah” Zelenskiy ayaa ku qoray barta warbaahinta X.

Horseed Media