Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay in hadda kadib…

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay in hadda kadib xilalka la magacaabayo iyo kuwa magacaaban lagu saleynayo dastuurka cusub ee dhawaan barlmaaanku meel mariyey.
Qoraalkaan oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyada Somalia ayaa lagu doonayaa in meesha looga saaro xilalka isa-saarka ah iyo in lagu hirgeliyo dhammaan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia si dowladdu muddada u dheeraysato.
Qoraalka ayaa lagu faray dhammaan xubnaha isku haya labada xil in ay kala doortaan midkood, iyadoo la fulinayo qodobo si cad u dhigaya in hal qof uusan isku mar qaban karin xil wasiirnimo iyo xildhibaanimo.




