In ka badan boqol iyo konton qof oo socdaal ugu bixi lahaa magaalada Makka iyo Xaramka baraykaysan, iyagoo halkaasi kusoo gudanaya acmaasha cumrada ee bisha Ramadaan ayaa codsi u diray madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadkan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qornaa inay raacaan diyaaradda Daallo Airline oo ruqsaddii ay shalay kala noqotay wasaaradda duulista iyo garoomada Puntland.
Diyaaradan ayaa sidey xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya oo Axaddii 01/Maarso/2026 laga celiyey hawada caasimadda Garoowe iyaddoo dib uga dejisay magaalada Muqdisho oo ay markii hore kasoo qaaday, waxayna talaabadaasi sababtay in ay Puntland kala noqoto ruqsadii ay kaga hawgali jirtey garoomadeeda.
Waxay sheegeen in ay bixiyeen kharashkii Cumrada oo kaliya u harsan tahay safarka ay ku tagi lahaayeen Sacuudi Careebiya, balse halmar ayey isbadaleen wax kasta markii la celiyey diyaaraddii, madaxweyne Deni ayey ka codsadeen inuu dib u fasaxo.
“Madaxweyne waa kusoo ducaynaa diyaaradda noosoo fasax, codsigeena inaad naga aqbashid baan ka codsanaynaa mudane Madaxweyne, ducadayadu waa kacaysaa habaarkayaguna waa kacayaa ama mid kale noo keen oo degdeg ah.” ayey yiraahdeen dadka cumradda tagi lahaa.
Khilaafka madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa marar badan saameeyey bulshada rayidka gaar ahaan marka la joojiyo dhaqdhaqaaqyada duulimaad ama la celiyo diyaarad iman lahayd, waxaana arrintan oo ku cusub bulshada Puntland horey dhibaato ugu qabey dadka deegaanada Jubaland iyo maamulada kale.
Horseed Media



