17 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeymaha Hindiya ee Kashmiir

9 May, 2025

17 qof oo rayid ah oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku dhintay 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen habeenimadii jimcaha ka dib markii madaafiic ay Hindiya soo riday ku dhaceen gobolka Kashmir, ee dhinaca Pakistan.

New Delhi, ayaa dhankeeda ku eedaysay ciidamada Pakistan in habeen hore ay weerarro diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ka fuliyeen xadka galbeedka.

Islamabad ayaa beenisay sheegashadaas, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerarada Hindiya.

Dhinaca kale, ilo ku sugan qeybta Pakistan ee Kashmiir ayaa sheegay in dhowr goobood oo ku yaala xariiqda kala qeybisa labada qeybood ee gobolka ay xalay ka dhaceen iska horimaadyo iyo rasaas la is weydaarsaday.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah oo ku sugan gobolka Punjab ee dalka Pakistan ayaa xaqiijiyay in ciidamada Pakistan ay subaxnimadii jimcaha soo rideen lix diyaaradood oo nooca basaaska ah oo laga leeyahay dalka India, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanka Okara.

Ilaha ammaanka ayaa intaa ku daray in ciidanka difaaca cirka Pakistan ay soo rideen guud ahaan 77 diyaaradood oo kuwa basaaska ah ee Hindiya laga leeyahay tan iyo markii uu bilaabmay Arbacadii dagaalka milatari ee labada dal.

Iyadoo ay sii kordhayaan weerarada Hindiya, mas’uuliyiinta Pakistan waxay go’aansadeen inay hawada Pakistan ka xiraan diyaaradaha rayidka. Maamulka gobolka Punjab ayaa sidoo kale go’aan ku gaaray in la xiro dhammaan xarumaha waxbarashada, jaamacadaha, iyo iskuullada ilaa toddobaadka soo socda.