20 urur siyaasadeed oo ku loolamaya doorashada golaha deegaanka Muqdisho.

12 December, 2025

Guddiga Doorashooyinka heer federal ee dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadda…

Guddiga Doorashooyinka heer federal ee dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee ururrada siyaasadda ee soo gudbiyay musharaxiintooda doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddiga waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu xirmay hannaanka qabashada liiska musharixiinta ururada siyaasadda ,kaa oo ku bilowday 12,kadibna gaaray 18,ugu dambeynna ku soo xirmay 20 urur siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay liiska musharixiinta doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.