golis

Dagaal Xoogan oo Saaka Ka dhacay Muqdisho

Ciidanka Xarakada Al-shabaab ayaa saaka weerar ku qaadey fariisin ay iska lahaayeen ciidamada Dawladda Kumeelgarka ah, dagaalka ayaa ka dhacay jidka wershadaha ee galbeedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa la isu adeegsasdey hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana laga maqlaayey qaybo badan oo kamid ah Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafey ayaa ciidamo ka tirsan Dawladdu ay fariisin ka samysteen xaafadda dayniile isla markaasna ay soo gaareen jidka wershadaha, waxayna fariisin ka samaysteen wershedii hore ee Kabka halkaas oo ah goobta dagaalku ka dhacay

Ma cadda weli khasaaraha ka dhashey dagaalkan, waxaana dagaalku saameyn ku yeeshay dadka degan Dayniile kuwaas oo bilaabay in ay halkaas isaga qaxaan.

Horseed Media
News Desk