golis

Lacag Intee Dhan ayaa Dalka Denmark Uga baxaysa Booqashada Barack Obama?

Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe uu ka furmo dalka Denmark shir aad u weyn kaaas oo looga hadlaayo isbedelka Cimilada aduunka iyo sidii looga hortagi lahaa, shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 7 bishan December waxaana uu socondoonaa muddo 11 casho ah, Shirka ayaa ka dhici doona caasimadda Denmark ee Copenhagen xarunta la yiraahdo Bella Center.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in uu yimaado ka hor intaan shirku bilaaban, hadaba Booliska dalka Denmark ayaa sheegay in booqashada Barack Obama ay ku tahay mid aad qaali u ah isla markaasna ay ku bixinayaan aduun dhan 55 – 77 Milayn oo Kron taas oo u dhiganta 10 – 15 Milayn oo Dollar.

Lacagtan ayaa ku bixi doonta amaanta madaxweynaha muddada uu joogo dalka Denmark iyo marti gelintiisa kale, arintan ayey u arkaan qaarkamid ah dadka u dhashey dalkaas in ay tahay mid aad looga bad badiyey.