golis

Qaramada Midoobey oo Dib u cusbooneysiisey cunoqabataynta saaran Congo-Kinshansa

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dib u cusbooneysiiyey cuno qabataynta hubka ee saaran dalka Democratic Republic of the Congo, isla markaasna loo yaqaan Kongo-Kinshasa.

Shirkadaha ka ganacsada macdanta uu qaniga ku yahay dalka Kongo ayaa samaysta ciidamo gaar ah kuwaas oo dagaalo culus ay ku dhexmaraan dalkaas, waxaana inta badan ku dhinta dad rayid ah, dagaalka Macdanta ayaa sababay in wadamo badan oo deris la ah dalka Kongo ay ka yeeshaan dano gaar ah isla markaasna ay hubeeyaan jamhado, waxaana inta badan lagu dagaalamaa sidii koox kastaa gacanta ugu hayn lahayd dhulka qaniga ku ah macdanta.

Qararkan ayaa waxaa dib golaha u soo hordhigey dalka Faransiiska oo horey u guumeysan jirey Kongo, waxaana isku raacey dhamaan 15 dal ee xubnaha ka ah.

Ciidanka ugu tirada badan ee Qaramada Midoobey u diraan dal kamid ah caalamka ayaa ka hawlgala Kongo-Kinshansa, kuwaas oo ku hawlagala magaca Monuc, waxayna gaarayaan 20 000 oo askeri, waxayna inta badan ka hawlgalaan bariga dalka Kongo.

Abshir Said
Horseed Media
Wararka Dibada