golis

DFKM ah oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

sarkaalDFKM ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Nin ay ku sheegtay in u ahaa Sarkaal ka tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda.

Sarkaalkaas ayaa waxaa ay DFKM ah ku sheegtay in u ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidamada Al-Shabaab ee gobolka Shabeelada dhexe kaas oo dhowaan ka soo goostay DFKM ah.

Sarkaalkaas oo magaciisa ku sheegay Cali Geedi Xassan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in u hore ka tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab balse maanta laga bilaabo in u ka tirsanyahay DFKM ah,isagoo sheegay in sababta ka dambeysay in u ka goosto kooxda Al-Shabaab ay tahay caqabado fara badan oo soo wajahay.

Waxaana u sheegay in caqabadahaas ay ka mid tahay in kooxda Al-Shabaab aysan doonaynin in dalka Soomaaliya u dego,ayna diideen in Gargaar Bin’aadanimo loo fiidiyo dadka tabaalaysan.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacaayay munaasabada ka hadlay Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta ee DFKM ah C/risaaq Qeyloow,wuxuuna sheegay in u aad ugu faraxsanyahay in Sarkaalkaas in u ku soo biiro DFKM ah una soo dhowaynaayo.

Waxaana u sheegay in albaabada ay u furanyihin cid weliba ka soo goosanaysa kooxaha mucaaradka oo raba in ay ku soo biiraan DFKM ah.

Si kastaba tani ma noqonayso marki ugu horeysay ay DFKM ah ee Soomaaliya ay soo bandhigto Saraakiil ay ku sheegtay in ay ka soo goosteen kooxda Al-Shabaab ee ka mid ah mucaaradka Soomaaliya.

C/laahi Soomaali

Horseed Media

Muqdisho,Soomaaliya.