golis

Madaxbanaanida Kosovo oo Maxkmadda Haag La geeyay

204494b15274294dde_3Qaramada Midoobey ayaa ka bilowdey maalintii shalay 01.12.2009 maxkamadda caalamiga ah ee Haag, sharcinimada dawladda Kosovo ee sanadkii 2008 bishii Feberaayo ku dhawaaqdey in ay tahay dawlad madaxbanaan.

Dalka Serbia ayaa ku doodaya in madaxbanaanida Kosovo ay ku dhawaaqdey sanadkii hore ay tahay mid ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah ee aduunka.

Maxkmadda lagama sugaayo in ay canbaareyso, dhacdada, waxayse u badan tahay in ay talooyin ka bixiso muranka Kosovo iyo Seerbiya oo iyadu aan aqoonsan dalkaas.

Dhanka kale dalka Seerbiya ayaa rajo ka qaba in maxkamadda ay ka soo baxdo in dib loo furo wadahadal, ku saabsan maqaamka Kosovo.

In ka badan 60 dal ayaa aqoonsan madaxbanaanida Kosovo.

Abshir Said
Horseed Media + Wakaaladaha