golis

Raysalwasaare Sharmarke oo La Kulmey Wefdi Ka Socdey Qaramada Midoobey

sharkeyRaysalwasaaraha D.F.K.S Mudane Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley kuxigeenka wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr.Charles Petrie.

Wefdiga ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho waxayna ka soo duuleen dalka Kenya halkaas oo xarun kumeel gaar ah u ah.

Raysalwasaaraha iyo wefdiga ayaa kawada hadley waxyaabihii ugu danbeeyay ee dalka ka dhacay, waxayna wadatashi ka yeesheen shir bishan 17keedaka dhacaaya dalka Sucuudiga kaas oo looga hadlaayo qadiyada Soomaaliya.

Raysalwasaare Sharmaarke ayaa sheegay in kulanku ahaa mid la isku afgartey dhamaan wixii laga wada hadley, waxaana lagu balamay sidii loo dhamaystiri lahaa barnaamijka gargaarka ee dadka baahan.

Wefdiga ayaa sidoo kale booqasho kutegay wasaaradda warfaafinta halka ay ku shaqeyso, waxaana ay warbixin ka dhegsyeteen wasiirka warfaafinta Dawladda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle, wasiirka ayaa ka warbixiyey qaabka wasaaraddu u shaqeyso iyo hawlgelin ay ku sameeyeen Radio Muqdisho.

Wefdiga ayaa isla maanta dib ugu laabtey halkii ay kasoo kicitimeen.