Markab dagaal oo ay iska leeyihin Ciidanka Badda ee Holland oo ka qayb qaadanaaya howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed Soomaali ah.
Markabkaas dagaal oo lagu magacaabo De Evertsen ayaa waxaa u qab qabtay oo u xiray 13-nin oo lagu eedeyey in ay yihin Burcad Badeed Soomaali ah oo doonaayay in ay qafaashaan markab xamuul ah oo maraayay xeebaha Wadanka Cumaan.
Sida ay ku warantay Wakaalada wararka ee ANP Burcad Badeedaas Soomaalida ay aad u hubeysnaayeen una Markabka dagaal gacanta ku dhigay,iyadoo iminka Su’aalo lagu weydinaayo dhusha sare ee markabkaas dagaal oo la xirrira falka lagu soo qabtay.
Burcad Badeeda Soomaalida ayaa maalmihi la soo dhaafay weeraro ku qaadayay gaadiid Badeeda goosheeya meelo ka baxsan xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay Jaziirada Seychelles.
Ciidanka Badda ee Holland ayaa qeyb ka ah howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida kaas oo ay hor kacayso Ururka Midowga Yuruub laguna magac daray Atlanta.
Horseed Media.