golis

Inka badan 100-Tahriibeyaal Soomaali ah oo gaaray Yemen.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaaya in ay halkaas gaareen inka badan 100-Tahriibeyaal Soomaali ah kuwaas oo doomo si sharci darro ah uga raacay degaanada Dowlada Puntland.

Laamaha Amaanka ee dalkaas Yemen ayaa waxaa ay warbaahintu u sheegeen in ila iyo 127-tahriibeyaal Soomaali ah ay shalay ila iyo gelinka hore ee maanta ay ku soo caariyeen xeebaha dalka Yemen.

Waxaana Saraakil u hadashay laamaha Amaanka ay warbaahinta dalka Yemen u sheegeen in Tahriibeyaashaas ay qayb ka yihin 38-dumar iyo 5-Carrur,iyadoo inta kale ay ahaayeen Rag dhalinyaro ah.

Tahriibeyaashas ayaa waxaa ay ku caariyeen xeebaha gobolada Thubaab iyo Taiz,waxaana loo gudbiyey xero qaxooti oo ku taala degmada Mayfaa ee gobolka Shabwaa halkaas oo si kumeelgaar ah ku si sugnaan doonaan isla markaana lagu xanaanayn doono.

Inta u dhaxeysay Bilaha January iyo August Sanadkaan ayaa waxaa xeebaha dalka Yemen gaaray Tahriibeyaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo gaaraya 36,000-qof.

Horseed Media.