Wasiir Kuxigeenka Wasaarada arimaha gudaha ee Dowlada Puntland Jeneraal Yuusuf Axmed Kheyr oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay iminka wado qorsheyaal fara badan oo ay ku sugayso amniga guud ee degaanada Puntland.
Waxaana u sheegay in falalka amaan darada ah ee ka dhacaayay degaanada Puntland aysan Dowlada Puntland raali ka ahayn isla markaana ay wax weyn ka qaban doonto,waxaana u tibaaxay in Shacabka Reer Puntland in ay ka gaabiyeen in ay la shaqeeyaan Ciidanka amaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan dad iminka ku sugan degaanada Puntland oo raba in ay sameyaan falal amaan daro ah,waxaana u sheegay in Ciidanka amaanka ay si samayn doonaan howlgalada ay ku sugayaan amaanka.
Dhegayso: Wasiirkuxigeenka Arimaha Gudaha Puntland Gen.Yusuf Axmed Kheyr [powerpress: url=”https://horseedmedia.net/radiohorseed/WasiirKuxigeenkaArimahaGudahaPuntland_Yuusuf Axmed Kheyr.mp3″]
Waxaa u inta ku daray in Wasaaradaha arimaha gudaha iyo amaanka ay samaynaayan qorsheyaal ay ku sugayaana amaanka,isagoo ku baaqay Shacabka Reer Puntland in ay Dowlada kala shaqeeyaan sugida amaanka.
Arimaha Tahriibta
Mar uka hadlaayay arimaha Tahriibta,Jeneraal Yuusuf Axmed waxaa u sheegay in Dowlada Puntland ay mar weliba ka hortagi doonto dadka tahriib doonka ah ee imaanaya gudaha degaanada Puntland isagoo sheegay in la celin doono halka ay ka yimaadaan.
Waxaana u tibaaxay in dhowr jeer oo hore Dowlada Puntland ay dib u celisay dad tahriibeyaal ah kuwaas oo rabay in ay ka dhoofaan xeebaha degaanada Puntland.
Ugu dambeynti waxaa u sheegay in Hay’addaha samafalka ee caalamiga ah iyo Dowlada Puntland ay isaga kaashan doonaan ka hortagida arimaha tahriibta.
Horseed Media.