golis

Somalida ku dhaqan dalka Yemen oo cadaadis horleh soo foodsaaray

Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan dalka Yemen, ayaa si weyn uga cabanaya cadaadis xoogan oo asbuucyadii lasoo dhaafay ay dowlada Yemen saartay, dadkaasi kasoo cararay guryahoodii iyo dalkoodii hooyo.

Qaxootiga Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada dowlada Yemen ay bilaabeen in ay mararka qaarkood dadka Soomaalida ka raafaan magaalada Cadan iyo magaalooyinka kale isla markaana ku tuuraan xeryaha qaxootiga ee lagu hayo dadka tahriibta ah.

Arrintan ayaa la sheegay inay salka ku heyso hanjabaad dhawaan ay Kooxda Al Shabaab u dirtay dalka Yemen.

Dowlada Yemen ayaa ill gaar ah ku heysa Soomaalida xiligan, ayadoo sheegtay inay iska illaalineyso in kooxaha lidka ku ah amnigeeda ay kusoo dhex dhuuntaan dadka Tahriibta ah ee dalkeeda yimaada.

Cadaadiskan ka yimid dhinaca Dowlada Yemen ayaan saameyn ku yeelan dadka Tahriibta oo kaliya balse Soomaalidii in muddo ah joogtay dalka Yemen, isla markaana ku lahaa ganacsi ayaa sheegay in ay hanjabaadyo kala kulmaan ciidamada, isla markaana qaarkood laga raafay magaalada cadan ayadoo lagu tuuray xeryaha qaxootiga.

Cabashada Soomaalida ku dhaqan dalka Yemen ayaa kusoo beegmaysa xili dalka Kenya ay ka dhaceen hawlgalo balaaran oo ay dowlada Kenya ku xir xirtay boqolaal dadka Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan, ayadoo hawlgaladan dowlada Kenya ku sheegtay kuwo ay amnigeeda adkaysaneyso.

Horseed Media