golis

AU-da oo Sheegay in QM ay masuuliyad ka saarantahay Ciidan loo soo diraayo Soomaaliya

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay masuuliyad ka saarantahay Ciidan nabad ilaalineed ee loo soo diraayo dalka Soomaaliya.

Jean Ping oo War Saxaafadeed kasoo saaray Magaaladda Addis Ababa ee xarunta u ah Midowga Afrika ayaa sheegay in Qaramada Midoobay looga baahanyahay in ay xil iska saarto Ciidan loo soo diraayo Soomaaliya,iyadoo uu sheegay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay.

”….Masuuliyadda ku aadan Nabadda iyo Amaanka wadamada Colaadaha ka taagan waxaa ay masuuliyad ka saarantahay Qaramada Midoobay….”,ayuu yiri.

Mr.Ping ayaa sheegay sababta ka dambeysay arrimaha keenay in Ciidan ka socda Midowga Afrika loo diro dalka Soomaaliya ay timi ka dib markii wadamada xubnaha ka ah Ururka ay u dulqaadan waayeen Colaadaha aan dhamaadka lahayn ee ka socda Soomaaliya.

Waxaana uu hadalkiisa ka daray in Qaramada Midoobay iyo Reer galbeedka ay ka gabsadeen in ay Ciidan usoo diraan dalka Soomaaliya iyagoo u sababeynaaya dagaaladda ka socda dalka.

Magaaladda Muqdisho waxaa ku sugan illa 5,100-Askari oo ku howlgalaaya Magaca AMISOM isla markaana hoos tegaaya Ururka Midowga Afrika,kuwaasi oo ka kala yimid wadamada Burundi iyo Uganda.

Horseed Media