golis

Midowga Afrika oo Saraakil Boolis Soomaaliyeed tababar u bilaabaya

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa uu tababar u bilaabaya Saraakil ka tirsan Booliska DFKM ah ee Soomaaliya.

Tababarka ayaa waxaa loo fidinaaya 34-Saraakil oo ka tirsan Booliska iyo Milateriga, kuwaas oo laga keenay magaaladda Muqdisho. Waxaana uu tababarka ka dhacaaya Xerooyin Milateri oo ku yaala dalka Kenya.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaaladda Muqdisho kuwaas oo ka socda Midowga Afrika ayaa iyagu qeyb weyn ka qaadanaaya tababarka la siinayo Saraakiishaas.

Wafula Wamunyinyi oo ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in tababarkaas uu socon doono mudo bilooyin ah, waxaana Saraakiisha tababarka la siinayo ay yihiin kuwa ay soo xuleen Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaaladda Muqdisho.

Tababarkaas ayaa waxaa fidin doona Saraakil ka socota dalalka Ghana, Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.

Ururka Midowga Yurub ayaa lagu wada dhowaan in ay tababar u bilaabo Ciidan ka tirsan DFKM ah oo gaaraya 2,500-Askari.

Horseed Media