golis

55 Tahriibeyaal Soomaali ah oo gaaray Yemen

Tahriibeyaal Soomaali ah oo ka ambabaxay xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramaaya in ay gaareen xeebaha Bari ee dalka Yemen gaar ahaan gobolka Hadramuut.

Dooni siday Tahriibeyaashaas ayaa la sheegay in Jimcihi shalay si sharci darro soo gaarsiisay xeebta ku dhow magaalada Broome la yiraahdo,waxaana intaa ka dib gacanta ku dhigay Ciidanka Amaanka ee gobolka Hadramuut.

Ciidanka ayaa iyagu baaritaan ku sameeyey tahriibeyaashaas oo isugu jiray Haween,Carrur iyo dhalinyaro ayadoo intaa ka dib la geeyey xero qaxooti ah oo ku taalla gobolka Shabwa.

Sanad weliba dalka Yemen waxaa si sharci darro ah ku gala tahriibeyaal Soomaali ah oo gaaraya kumanaan kuun kuwaas oo ka cararaaya dagaalada iyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Horseed Media