golis

Kalfadhigii Baarlamaanka oo Buuq Ku Dhamaaday Adan Madoobe oo Sheegtay in Xukuumadii La Kala Direy

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho kusoo dhamaaday Kalfadhigii ay lahaayeen Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo ka dhacay Gurigii hore ee Umadda.

Kalfadhiga oo bilawday subaxnimadii maanta ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday buuq iyo sawaxan ayadoo Mudaneyaasha Baarlamaanka ay halkaas ku kala tageen.

Wariyeyaasha Horseed Media oo ku sugnaa goobta ayaa soo sheegay in Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka ay u diideen in Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe uu wax khudbad halkaas ka jeediyo ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah ayna ka dalbadeen inuu si deg deg ah isku casilo.

Dhegayso warsaxaafadeedka Adan Madoobe : [powerpress]

Xilligaas ka dib ayaa waxaa laga dalbaday Saxaafiyinta in ay isaga baxaan Hoolka Shirarka,waxaana si batay sawaxanka ay samaynayeen Xildhibaanada diidan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe oo markii lagu kala tegay Kalfadhiga Baarlamaanka Shir Jiraa’id qabtay ayaa sheegay in codbixin la sameeyey lagu riday Xukuumada u hogaamiyo Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Wuxuu sheegay in Kalfadhigii maanta ay kasoo qaybgaleen ilaa 318-xildhibaan,halkaasna ay 280-Xildhibaan ku codeyeen inuu dhacay Xukuumada Cumar C/rashiid ayna dhacday isagoo sheegay in lagu eedeyey waxqabad la’aan.

Arintan ayeysan jirin cid caddeyn karta in cod loo qaadey  xukuumadda, waxaana suxufiyiintu soo weriyeen in Adan looba diidey in uu hal mar hadlo intii ay gudaha ku jireen,  laguna qaylinaayey in uu meesha isaga wareego, waa markii labaad muddo laba sano gudahood ah oo Adan Madoobe ku dhawaaqey xukun caynkan oo kale  ah dhamaadkii sanadkii 2008 ayey ahayd markii uu ansixinta Dawladda Nuur Cadde heshay uu sheegay in ay dhacdey halkaas oo saxaafaddu soo werisey in buuq iyo sawaxan uu ku dhamaadey, sidoo kale waxaa arintan uga horeeyey Shariif Xassan Shiikh Adam Sanadkii 2004, iyada oo xildhibaanadu gacanta islua tageen dagaalna ka dhex aloosan yahay sheegay in Cod loo qadey in aan la keeni karin ciidamada safka hore dalka Soomaaliya codbixintaas oo ahayd mid aan jirin.

Waxaa is weydiin mudan Mooshin ka dhan ah xukuumadda miyaa la keenay?malaga doodey mooshinka?, si kastaba ha ahaatee waxaa cad in Dawladdu qaadey wadadii burburka, isla markaasna ay soo baxdey in waxa is hayaa ay ahaayeen Adan Madoobe iyo Xukuumadda Cumar Cabdirashiid.

Madaxweynaha ayaa dhawr jeer arintan soo dhexgalay waxaana uu marar badan ku dhawaaqey in la xaliyey khilaafka Baarlamaanka, arintaas oo noqotey mid aan waxba ka hirgelin, waxaa muuqata in khilaafkii Baarlamaanku uu lugaha la gelay weji cusub isla markaana dhawaan lagu kala baxaayo.

Horseed Media