Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta u saraysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Safaarada Maraykanka ee dalka Kenya oo war Saxaafadeed soo saartay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay khilaafkaas ayadoo ay sheegtay in aan xilligaan loo baahnayn.
Waxaana ay sidoo kale sheegtay in ay la socdeen muraanka maalmahii taagnaa taas oo u dhaxeysay Gudoonka Sare ee Baarlamaanka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka, ayadoo markii ay dambe uu khilaaf ka dhex bilaabmay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’isulwasaarihi hore Cumar C/rashiid Cali.
War Saxaafadeedka ayaa Dowladda Maraykanka ka codsatay Dowladda Federaalka in ay xal u hesho arimahaa isla markaana loo baahanyahay midnimada lana tixgeliyo heshiiskii Jabuuti.
Horseed Media