golis

Midowga Afrika oo Madaxda Dowladda Federaalka Ugu Baaqay Midnimo

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka in ay muujiyaan midnimo si ay xal u helaan dhibaatada ka jirta dalka.

Madaxa nabadgalyada iyo amaanka Mr.Ramtane Lamamra oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dalka looga baahanyahay in xaaladda iminka lagu jiro wax laga bedelo isla markaana ay Beesha Caalamka u muujiyaan in ay yihin dad isku duwan.

Wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay khilaafka soo baxaaya ee u dhaxeeya Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid,ka dib markii Madaxweyne Sheikh Shariif ku dhawaaqay inuu kala direy Xukuumadii.

Mr.Lamamra ayaa intaa ku daray in xaaladaan ka dhex taagan Dowaldda ay ka faa’ideysan karaan Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda.

Ugu dambeynti wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay kasoo baxaan balanqaadyadi hore ay sameyeen isla markaana Dowladda Federaalka ka caawiyaan howlaha dib u heshisiinta iyo dib u dhiska.

Horseed Media