golis

Barakacayaasha Ku Nool Degmada Qardho Oo Baaq U Diray Hay’addaha Samafalka

Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Xarunta u ah ee Karkaar ayaa sheegay in ay soo foodsaartay xaaladdo adag dhanka nolosha ah ka dib marki ay halkaas dhowaan ka da’een roobabkii Guga.

Qaar ka mid ah Barakacayaashas oo ay la kulantay warbaahinta Horseed Media ayaa waxaa ay sheegeen in roobabkii dhowaan ka curtay degmada Qardho ay saamayn ku yeelatay ayadoo ay xuseen in ay dumeen guryihi ay deganayeen oo ka sameysan cooshado.

Hooyo Siciid Cabdi oo ka mid ah Barakacayaasha ku nool degmada Qardho ayaa sheegtay in roobkii dhowaan ka da’ay degmada Qardho uu ku dumay gurigii ay deganayd,waxaana ay sheegtay in xitaa qaar ka mid ah agabkeedi ay noqdeen kuwa burburay oo aan la isticmaali karin.

Waxaa ay ka codsatay dhamaan Hay’addaha samafalka ee ka howlgala degaanada Puntland in ay lasoo gaaran Gargaar Bin’aadanimo ayadoo ay sheegtay in iminka ay soo wajaheen xaaladdo nolol oo khalafsan.

Horseed Media