golis

Dad Tahriib ah oo Ku Dhintey Biyaha u Dhexeeya Turkiga iyo Giriiga

16 qof oo tahriib ah ayaa ku dhintey biyaha u dhexeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga kadib markii ay isku dayeen in ay dabaal ku tagaan dalka Giriiga iyaga oo ka soo bilaabey dabaasha xeebaha dalka Turkiga, sida boolsika dalka Giriigu sheegay dadkan ayaa dhamaantood ahaa kuwo ka yimid qaarada Africa.

9 qof meydkood ayaa ka soo caariyey ama laga helay xeebta dalka Giriiga, halka 5 qof oo kale biyuhu dib ugu celiyeen xeebta dalka Turkiga, waxaana Boolisku intaas ku daray in laba haween ah iyagana meydkooda mar sii horeysey la helay.

Dadka Soomaalida ayaa ka mid ah dadka tahriibta ku soo gala dalka Giriiga, kuwaas oo isticmaala qaabab badan, lama oga in dadkaan isku dayey in ay dabaasha ku tagaan dalka Giriiga ay Soomaali ka mid yihiin.

Horseed Media