golis

Raysalwasaaraha Britain iyo Xukuumada Maraykanka Oo Amaanay Doorashooyinkii Somaliland

Dowladdaha Maraykanka iyo Britain ayaa amaaanay doorashooyinkii madaxtinimadii dhowaan ka dhacay degaanada Somaliland ee lagu doortey Madaxweyne cusub.

Raysalwasaaraha Britain David Cameroon oo ka hadlaayay Baarlamaanka Britain ayaa soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka Somaliland isagoo ugu horeyn hambalyo u direy shacabka Somaliland kuna tilmaamay tallaabo haboon.

Wuxuuna sidoo kale hambalyo u direy Xisbiyada ka qayb qaatay doorashada isla markaana sheegay in Xukuumada ay iyaduna ka qayb qaadatay doorashada ayna u dirtey goobjooge.

Dhinaca kale Xukuumada Washington oo iyaduna soo saartay war qoraal ah ayaa soo dhoweysay qaabkii ay u dhaceen doorashooyinkii iyadoo ay hambalyo u dirtey musharaxii ku guuleystay Axmed Maxamed Siilaanyo oo loo doortey Madaxweynaha cusub ee Somaliland.

Doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ayaa waxaa hore u soo dhoweeyey goobjoogeyaashii ku sugnaa,ayadoo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay iyaduna soo dhoweysay.

Horseed Media