golis

Inka Badan 500-Tahriibeyaal Soomaali ah Oo gaarey dalka Yemen

Tahriibeyaal Soomaali ah oo kor u dhaafaya 500-qof ayaa bishaan oo keliya si sharci darro ah ku galay dalka Yemen.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Yemen ayaa lagu sheegay in 587-tahriibeyaal Soomaali ay bishaan July soo gaareen xeebaha Yemen iyagoo la socda doomo yar yar.

Gobolada ay soo gaareen ayaa waxaa ka mid ah Taa’iz,Hadramuut iyo Shabwa,sida laga soo xigtay laamaha amniga.

Waxaana Tahriibeyaasha ku jira 15-dumar ah oo qaarkood wata caruur da’a yar.

Tahriibeyaasha Soomaalida oo kasoo barokacay dalkoodi hooyo oo ay ka socdaan dagaalo aan dhamaad lahayn ayaa la geeya xeryaha qaxootiga iyagoo aan helin wax daryeel wanaagsan ah.

Horseed Media