golis

Tahriibayaal Soomaali ah oo Dib Loogu Celiyey Dalka Libya

Tahriibeyaal Soomaali oo Badda ku safraayay isla markaana doonaayay in ay si sharci darro ah ku galaan Jaziirada Malta ee u dhow dalka Talyaaniga ayaa dib loogu celiyey dalka Liibya oo ah meesha ay markii hore kasoo safreen.

Jariiradaha kasoo baxa Jasiirada Malta ayaa sheegay ilaa 27-muwaadiniin u dhashey dalka Soomaaliya dib loogu celiyey magaaladda Tripoli ee caasimada Liibya.

Dadkaan ayaa ku safrayay dooni yar, waxaana markii ay ka baxeen xeebaha Liibya ayna galeen kuwa Caalamiga la xiriireen la’aanta badbaadada Malta oo u soo gurmaday.

Ciidanka Badda Liibya ayaa iyaguna goobta soo gaaray saacado ka dib,waxaana ay la wareegeen dhamaan dadkii saarnaa doonida oo ay dib ugu celiyeen dalkaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Liibya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd sidii ay xabsiyada dalkaasi kasoo sii deyn lahayd muwaadininta Soomaaliyeed ee halkaas ku xir xiran.

Dalka Liibya ayaa ah marin muhiim u ah dadka u tahriiba dalka Talyaaniga kuwaas oo kasoo jeeda qaaradda Afrika.

Horseed Media