golis

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo Ku Sugan dalka Yemen

Wasiirka arrimaha dibadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray oo ka degay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Sanca ee caasimada dalka Yemen,waxaana halkaas kusoo dhoweeyey masuuliyin ka tirsan Dawladda Yemen iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim Dheeg ayaa kasoo kicitimay dalkaas Uganda oo uu ku sugnaa maalmihi lasoo dhaafay kana mid ahaa wefdigii Madaxweyne Sheikh Shariif ee ka qaybgalay shirkii Midowga Afrika.

Wasiirka oo si kooban la hadlay Saxaafada markii uu gaaray magaaladda Sanca ayaa sheegay inuu ka qaybgali doono shir ay yeelan doonaan Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay Shirka Sanca kaas oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Wuxuu intaas ku daray in shirka diirada lagu saari doono xaaladda iminka ka taagan Soomaaliya,isagoo xusay inuu rajeynaayo in shirka wax ka tari doono xaaladda Soomaaliya.

Mudane Yuusuf Dheeg ayaa lagu wadaa intuu ku suganyahay dalka Yemen kulamo gaar ah la qaato masuuliyinta dalka Yemen.

Wadamada ku bahoobay kulanka Sanca ayaa waxaa ka mid ah Yemen,Jabuuti,Suudaan,Soomaaliya iyo Itoobiya.

Horseed Media