golis

Wasiiradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Yemen Oo Kulmay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Xassan Ibraahim Dheeg oo socdaal ku jooga magaaladda Sanca ee caasimada dalka Yemen ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen Abubakar Al-Qirbi.

Kulanka labadaan masuul ayaa maanta ka dhacay magaaladda Sanca,wuxuuna ahaa mid ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsanayd xirrirka ka dhaxeeya wadamada Yemen iyo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaaladda iminka ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo qorsheyaasha Dawladda Federaalka mustaqbalka dhow.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibada ee Yemen ayaa isaguna sheegay in Dawladda Yemen ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato wax ka qabashada xaaladda khalafsan ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka qaybgalo kulanka maalinimada berito ka furmi doono magaaladda Sanca oo looga hadli doono arimo ay ka mid tahay xaaladda Soomaaliya.

Horseed Media