golis

Qaxootiga Soomaaliyeed Oo Weli Ku Qulqulaaya Dalka Yemen

Waxaa weli dalka Yemen kusii qulqulaaya dadka Soomaaliyeed ee ka cararaaya dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka soconaaya dalkoodi Hooyo.

Tahriibeyaal Soomaali oo xeebaha Soomaaliya kasoo raacay doonyo sharci darro ah ayaa saacadihi lasoo dhaafay gaarey xeebaha dalkaasi Yemen.

Inku dhow 30-tahriibeyaal Soomaali ah ayaa waxaa ay gaareen xeebaha gobolada Taaiz iyo Thubaab,waxaana xilligaas gacanta ku dhigay Booliska.

Ka dib markii la weydiiyey su’aalo dhowr ah ayay Booliska u gudbiyeen xerooyinka qaxootiga ee loogu talagalay dadka soo galootiga ah.

Dawladda Yemen ayaa la sheegay in ay wado qorshe ku aadan in ay joojiso marti gelinta qaxootiga Soomaaliyeed ee imaanaya.

Horseed Media