golis

Dawladda Federaalka Oo Deeqo Waxbarasho Ka Helaysa Turkey iyo Syria

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay deeqo waxbarasho dhowaan ka heshay dawladdaha Sudan iyo Yemen.

Kusiimaha Wasiirka Tacaliinta iyo hidaha ee Dawladda Soomaaliya ahna Wasiirka Bin’aadanimada Dr.Maxamuud Cabdi Ibraahim oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dhowaan ay deeqo waxbarasho ka heleen wadamada Sudaan iyo Yemen.

Wuxuu intaas ku daray in deeqahaas oo ah waxbarasho jaamacadeed cidda u baahan ay iska soo diiwangelinayso xarunta wasaarada ee magaaladda Muqdisho,iyadoo ay ku eegtahay isdiiwangelinta bilowga bisha soo socota.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay jiraan tiro arday ah isi soo diiwangeliyey laguna kala saari doono imtixaan laga qaadi doono,iyadoo maadooyinka imtixaanka laga qaadayo ay kamid yihin Biology,Mathematics,English,Chemistry iyo Tarbiyada islaamka.

Dhanka kale wuxuu sheegay in dhowaan deeq waxbarasho ka heli doonaan wadamada Turkiga iyo Suuriya.

Horseed Media