golis

Burco oo Lagu Xirey Dhaliyaro Al-Shabaab Looga Shakiyey

Ciidanka amaanka ee magaalada Burco ayaa hawlgal ay maanta ka sameeyeen magaalada Burco ku xirey dhalinyaro gaareysa 10 kuwaas oo Boolisku sheegay in ay ku tuhunsan yihiin in ay falal amni xumo ah ka wadaan Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Toghdeer Yaasiin Muxumud Cabdi ayaa sheegay in dhalintan baaritaan lagu samynaayo, waxaana ay arintaani ka danbeysey kadib markii Boolisku maalmihii la soo dhaafey ay qabteen waxyaabaha qarxa, waxaana ay isugu jiraan kuwo dhanka koonfureed ka yimid iyo kuwo u dhashey Gobolka.

Wararka aan ka helayno magaalada Burco ayaa sheegaya in dadka la xirey ay u badnaayeen kuwo macalimiin ka ahaa dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, iyo kuwo kale oo goobo ganacsi ku lahaa Burco.

Ma ahan markii u horeysey ee magaalada Burco laga fuliyo hawgal caynkan oo kale ah, bartamihii bishii Juun ayaa hawgal dhiig ku daatey boolisku ku qabtey dhalinyaro isku urursatey guri kamid ah gurhayaha Burco dhankeeda bari ku yaala, welina maxkamad lama soo taagin dadkii lagu qabtey hawgalkaas.

Horseed Media