golis

Ciidamo Hubeysan Oo Aan Haybtooda La Aqoonsan Ayaa Ka Degay Gobolka Awdal, Somaliland [Dhegayso]

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in ciidamo si xoogleh u hubeysan ay soo gaareen gobolka Awdal, Wasiirka ayaa u sheegay Warbaahinta BBC-da in ciidankan ay ka soo dageen xeebta u dhexaysa Saylac iyo Lughayha, kadib waxaa kaalmeeyey dad ku sugaayey dhanka xeebta, waxaana ay galeen buuraleyda Maarmaar, Wasiirka ayaa sheegay waqtiga ay soo gaareen gobolka Awdal in ay ahayd Habeenimadii Axaadda oo ku beegnayd 12.09.2010

Dhegayso Waraysiga Wasiirka (BBC) :[powerpress: url=”http://radiohadhwanaag.net/audio/Gaboose.mp3″]

Dr.Gaboose ayaa sheegay in ciidankaas lagu sheegay qiyaastii 200 oo nin kuwaas oo hubeysan, waana lagu hareeraysan yahay, waxaana wasiirku sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah hubkii ay wateen oo ay ka mid ahaayeen Baasuukayaal badan, iyo weliba dukumenti aad u muhim ah kaas oo ku qoran luuqada Soomaaliga iyo Amxaariga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa saxaafadda u sheegay in xeebta ay ka soo qaadeen saddex gaari oo ah nooca waaraadka, kuwaas oo laba kamid ah dadkii iskalahaa iyo gawaaridiiba gacanta lagu hayo.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa xirey xadka waxaana halkaas la soo dhoobey ciidamo badan.

Wararka maanta magaalada Hargeysa la isla dhexmaraayo ayaa sheegaya in ciidankan ay yihiin ONLF ku soo tababartey dalka Ereteeriya, inkasta oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in ay ka warsugayaan baaritaanka, waxaana uu caddeeyey in mar dhaw hawlgal lagu qaadi doono buuraha Maarmaar ee ay ku jiraan.

Horseed Media