golis

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Kulan Madaxweynaha Iraan la qaatay Madax Afrikaan ah

Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmadinejad ayaa kulan magaalada Tehran ee caasimada dalkaas kula qaatay madax kala duwan oo ka tirsan wadamo ku yaalla Qaarada Afrika.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Xassan Ibraahim Dheeg,waxaana uu ahaa mid ku saabsanaa sidii xirrir u dhexmari lahaa wadanka Iraan iyo qaarada Afrika.

Madaxweynaha Iraan ayaa madaxda ka socotay qaarada Afrika ee kulankaas ka qaybgashay u sheegay in lama huraan tahay in iskaashi wanaagsan dhexmaro Afrika iyo Iraan.

Wuxuu intaas ku daray in Iraan ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato sidii xal loo heli lahaa wadamada dagaalada ka socdaan ee qaarada Afrika oo ay kamid tahay dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Iraan ayaa dhowr jeer booqasho kusoo gaarey wadamo ku yaalla qaarada Afrika.

Horseed Media