golis

Tahriibeyaal Soomaali ah oo ku dhintey Xeebaha Gacanka Cadmeed

Tahriibeyaal Soomaali ah iyo Afrikaan ah ayaa ku dhintey xeebaha u dhaxeeya dalka Soomaaliya iyo Yemen.

Wararka laga helaayo Saraakiisha Ciidanka badda Yemen ayaa sheegaaya in tahriibeyaashaas ay wateen dooni yar oo ah nooca wax lagu tahriibiyo ah, waxaana dadka dhintey ay kasoo socdaaleen xeebaha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Yemen ayaa sheegay in saddex qof oo labo kamid ah ay yihin Soomaali ah ay ku dhinteen doonida.

Dad kale oo saarnaa doonida ayaa lagu guuleystay in la badbaadiyo iyadoo la gaarsiiyey xeebaha Yemen qofka kale ee dhintay ayaa u dhashey wadan kale oo Afrikaan ah.

Ciidanka Yemen ayaa baaritaan ku haya sida ay wax u dhaceen, dadka tahriibta ah ayaa inta ku dhinta  biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen mudada ay safarka ku jiraan.

Horseed Media