golis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka degay Magaalada New York

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka degay magaalada New York ee dalka Maraykanka ahna xarunta Qaramada Midoobay.

Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” ayaa gaarey subaxnimadii maanta(Axad) magaalada New York kadib markii uu kasoo duuley magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar halkaas oo uu ku sugnaa maalmihi lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu ka qaybgalo kulan dhowaan ka furmi doona xarunta Qaramada Midoobay kaas oo looga hadli doono arrimo ay kamid tahay Xaaladda Soomaaliya,waxaana sidoo kale ka qaybgali doona Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo isna ku sugan magaalada Muqdisho balse la filaayo inuu u ambabaxo dalkaas Maraykanka.

Yuusuf Dheeg ayaa isagu ka qaybgalay dhowaan kulan ay yeesheen wadamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacada Carabta kaas oo looga hadlay sidii loo taageeri lahaa shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Kulanka ka dhici doona xarunta Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan masuuliyin kala duwan oo ka kala imaan doona wadamo ku yaalla Caalamka.

Horseed Media