golis

Midowga Afrika oo ku baaqay In La Kordhiyo Ciidanka AMISOM

Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay ciidamo dhowaan la balanqaaday in loo diri doono dalka Soomaaliya kadib madaxda wadamada xubnaha ka ah ururkaas ay kulan qaateen.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mr.Jean Ping oo ka hadlayay Golaha amaanka Qaramada Midoobay ee magaaladda New York oo u ka dhacay kulan looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan muhiim tahay in ciidamo dheeraad ah la geeyo dalka Soomaaliya kuna biira kuwa AMISOM.

Wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay taageero siiyan Ciidanka AMISOM ee ka socda ururka Midowga Afrika kuna sugan magaaladda Muqdisho,isagoo sheegay in laga gaabiyey deeqyadii loo gudbin jirey.

Mr.Ping ayaa dhanka kale ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhamaystiro 20,000-askari ee dhowaan madaxdii wadamada Afrika isku afgarteen in loo diro Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shirka golaha amaanka ka sheegay in wadankiisa diyaar u yahay in ciidan badan geeyo dalka Soomaaliya.

Horseed Media