golis

Shir Looga Hadlaayo Arrimaha Soomaaliya oo Ka Furmaaya dalka Spain

Waxaa dalka Spain lagu wadaa maanta inuu ka furmo shir caalami ah oo looga hadli doono xaaladda ka taagan gudaha dalka Soomaaliya kaas oo ay ka qaybgali doonaan masuuliyin kala duwan.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Horseed Media isagoo ku sugan magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in shirkaas ay soo qaban qaabisay kooxda xirrirka caalamiga ee ICG.

Wuxuu intaas ku daray in wefdi u hogaaminaayo Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ay ka degi doonaan magaaladda Madrid ee caasimada dalka Spain,iyadoo ay ka qaybgali doonaan kulankaas oo lagu falanqeyn doono xaaladihi ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo shirkii Qaramada Midoobay.

Mudane Yuusuf Dheeg ayaa xusey in kulankaas uu shir gudoomin doono Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan amuuraha Soomaaliya Dr.Augustine Mahiga.

Kulanka ayaa socon doona mudo labo maalmood,waxaana gaba gabadiisa kasoo bixi doona qodobo ku aadan wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

Horseed Media