golis

13-qof oo Tahriibeyaal Soomaali Ah oo Ku Dhintey Xeebaha Gacanka Cadmeed

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa isku deyey in ay badbaadiyaan dooni ay saarnaayeen Tahriibeyaal Soomaali iyo Itoobiyaan.

Tahriibeyaashaas ayaa kasoo ambabaxay xeebaha dalka Soomaaliya,waxaana ay kusii jeedeen xeebaha dalka Yemen balse doonida ay la socdeen ay haleeshay cilad dhanka matoorka ah.

Markab laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa ku wargeliyey Ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay usoo gurmadaan doonida oo xilligaas dadkii saarnaa ay xaalada adag ku sugnaayeen.

Ciidanka Badda Maraykanka oo u gurmaday doonida ayaa u suurtagali waayay in ay badbaadiyaan dadkii saarnaa,waxaana ay xaqiijiyeen in ay dhinteen ugu yaraan 13-qof iyadoo la la’ayahay 8-kale.

Sanadweliba xeebaha u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxaa ku dhintey tahriibeyaal Soomaali iyo Itoobiyaan oo si sharci darro ah halkaas ku safra iyadoo raaca doomo yar oo aan qaadin rakaab badan.

Horseed Media