golis

Somaliland Oo Ka Hadashay Shaqaale Shirkad Isgaarsiineed oo lagu haysto Laasqorey

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shaqaale ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta ee Nation Link oo kooxo dabley ah ku haystaan degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo u waramaayay BBC-da ayaa sheegay in ay aad uga xunyihin falka afduubka ah ee loo geystay shantaas qof kuna tilmaamay mid khalad ah.

Kooxda dableyda ah ee afduubka u haysato shaqaalahaas ayaa sheegtay in aysan soo sii deyn doonin ragaas ilaa maamulka Somaliland ay soo deynayaan dad kasoo jeeda degmada Laasqorey oo la xirey,dadkaas oo uu maamulka Somaliland ku eedeyey in ay yihin Burcadbadeed kadib markii laga qabtay xeebaha Somaliland.

Wasiirka ayaa baaq u direy kooxda dableyda,wuxuuna sheegay in lasoo sii deyn doonin dadka ay dalbadeen in ay soo dayso Somaliland sababto ah buu yiri in ay yihin dad dambiileyaal ah.

Sidoo kale wuxuu codsi ujeediyey Odeyaasha degaanka oo ugu baaqay in ay dadaal u galaan sii deynta ragaas oo u sheegay in ay xil ka saarantahay.

Dhanka kale wuxuu sheegay in maanta ay soo bandhigi doonaan dad iyo gaadiid la isku deyey in lagu afduubto magaalada Burco ee Somaliland.

Horseed Media