golis

Midowga Afrika oo Sheegay in 40% ay Gacanta Ku Hayaan Magaalada Muqdisho

Ururka Midowga Afrika oo ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaaladii u danbeeyey dhexmaray Ciidamada Dawladda Federaalka oo gacan ka helaaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Islaamiyinta.

Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in xoogaga Islaamiyinta lagu jebiyey dagaaladii ugu danbeeyey isla markaana lagala wareegay fariisimo muhiim ah.

Wuxuu sheegay in 40% ay xilligaan gacanta ku hayaan Ciidanka kasocda Midowga Afrika oo gacan siinayay kuwa Dawladda Federaalka.

”…Islaamiyinta awoodooda waa yaraatay.hadii aan haysan lahayn ciidan inagu filan horumar ayaan sameyn lahayn…”,ayuu yiri.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhowaan ugu baaqay beesha caalamka in taageero dhaqaale badan ay siiyaan Ciidanka AMISOM isla markaana la kordhiyo tirada ciidanka lana gaarsiiyo 20,000-askari.

Horseed Media