golis

Madaxweynihi hore ee Dalka Ghana Oo Loo Magacaabay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynihi hore ee dalka Ghana Mr.Jerry Rawlings loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika John Ping ayaa sheegay in Madaxweynihi hore ee dalka Ghana xiligaan kadib uu yahay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya isla markaana waayo arag u yahay shaqada loo igmaday.

Madaxweynihi hore ee dalka Ghana ayaa weli ka hadlin xilka loo magacaabay iyadoo dhowaan lagu wado inuu si rasmi ah ula wareego xilkaas.

Mr.Rawlings ayaa soo noqday labo jeer Madaxweynaha dalka Ghana isagoo hore uga soo shaqeeyey arrimaha Milateriga.

Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidan ka badan 5,000-askari oo kasocda wadamada Burundi iyo Uganda oo u jooga arrimo nabad ilaalineed.

Horseed Media