golis

Midowga Afrika Oo Dalbaday 20,000-askari oo la geeyo Soomaaliya

Wasiirada arimaha dibada Ururka Midowga Afrika ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kaga hadleen xaalada ka taagan Soomaaliya.

Kulankaas oo ay ka qaybgaleen madax kala duwan ayaa dalka Soomaaliya waxaa u matalaayay Wasiirka arrimaha dibada Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg”.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Afrika ay dalbadeen in dalka Soomaaliya la geeyo 20,000-askari oo dheeraad ah kuwaas oo ka qayb qaata howlgalka nabad ilaalinta ah.

Maalinta arbacada ah ee soo socota golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan ay kaga hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyadoo golaha nabada iyo xasiloonida ee Midowga Afrika oo u hormuud ka yahay Mr.Ramtane Lamamra ay weydiisan doonaan Qaramada Midoobay in ay ansixiyaan qorshahaas.

Mudane Yuusuf Dheeg ayaa lagu wadaa kulankaas oo ka dhici doona magaalada New York inuu uga qayb galo Soomaaliya.

Dawladda Jabuuti ayaa dhowaan shaacisay in ay ciidamo usoo diri doonto magaalada Muqdisho oo ku biiri doona kuwa AMISOM.

Qorshaha ciidamo nabad ilaalineed oo dheeri ah loogu soo diraayo dalka Soomaaliya ayaa ahaa mid hore ay usoo jeediyeen madaxda urur goboleedka IGAD.

Horseed Media