golis

AU-da Oo Codsaday In La Xayiro Garoomada Diyaaradaha iyo Dekadaha Soomaaliya Ay Ka Taliyaan Islaamiyinta

Ururka Midowga Afrika ayaa Qaramada Midoobay u direy codsi ku aadan in lala socdo dhaq dhaqaaqa dekadaha iyo hawada dalka Soomaaliya si looga hortago dadka ajaaniibta ee imaanaya Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan kooxaha Islaamiyinta ee kasoo horjeeda Dawladda Federaalka.

Golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika oo magaalada Addis Ababa ku yeeshey kulankii 245-aad oo ay kaga hadleen arimaha Soomaaliya ayaa gaba gabadiisa ay codsi ujeediyeen Qaramada Midoobay isla markaana ay tixgeliyaan maadama ay qayb ka tahay dadaalada nabada iyo kala danbeynta loogu soo celinaayo dalka ay dagaaladuu ragaadiyeen.

Codsiga ayaa ahaa in Maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay ilaaliyaan gaadiid badeeda kusoo jeeda dekaddaha Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Afrika ayaa codsaday in garoomada diyaaradaha ay ka taliyaan xoogaga Islaamiyinta iyagana laga mamnuuco duulimaadyada iyadoo laga shakisanyahay diyaaradaha kasoo dega in ay hub iyo dagaalyahano shisheeye ay keenaan.

Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay korarka awooda kooxaha ka dagaalamaaya dalka Soomaaliya oo inta badan la sheego in ay xirrir la leeyihin Ururada argagaxiisada ee ka jira caalamka.

Horseed Media