golis

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Shirka Ka Furmaaya New York

Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa xilligaan kasocda diyaar garowgii u danbeeyey ee lagu diyaar garoobaayo shir balaaran oo looga hadli doono xaalada Soomaaliya oo halkaas ka furmaaya,waxaana shirka ka qaybgalaaya madax kala duwan.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” oo si kooban ula hadlay warbaahinta Horseed Media isagoo ku sugan magaalada New York ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid muhiim u ah dalka Soomaaliya isla markaana loogu falanqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in arinta ugu weyn ee looga hadli doono ay qayb ka tahay qorshaha ku saabsan in ciidan gaaraya 20,000-askari oo dheeri ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga qayb qaatan arimaha nabad ilaalinta.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mudane Yuusuf Dheeg ayaa tilmaamay inuu rajeynaayo gaba gabada shir ay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo wax ku ool ah.

Horseed Media