golis

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Oo Soo Dhoweeyey In La Xayiro Hawada iyo Badda Soomaaliya

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Ibraahim “Dheeg” ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii xalay golaha amaanka Qaramada Midoobay ka yeesheen xaalada Soomaaliya kaga hadlay hindisaha ku saabsan in la xayiro hawada iyo Badda Soomaaliya,si looga hortago dagaalyahanada ajaaniibta ee ka imaanaya wadamada shisheeye.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Federaalka ay si buuxda u taageerayso in xayiradaas la dhaqan geliyo isla markaana la xoojiyo ciidamada caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in xaalada Soomaaliya xiligaan ka taagan ay aad u adag tahay sidaas darteedna loo baahan yahay in la qaado talaabooyin wax looga qabanaayo.

Madaxa nabadgalyada iyo amaanka ururka Midowga Afrika Mr.Ramtane Lamamra ayaa shirka golaha amaanka ka sheegay in hadii aan la xayirin hawada Soomaaliya iyo Badda ay Soomaaliya qatar ku jirto.

Horseed Media