golis

Inka Badan 100-Tahriibeyaal Soomaali Ah oo gaarey Dalka Yemen

Saacadihi lasoo dhaafay waxaa xeebaha dalka Yemen gaarey inka badan 100-qof oo tahriibeyaal Soomaali ah kuwaas oo ka ambabaxay xeebaha Soomaaliya.

Wasaarada arimaha gudaha ee Yemen ayaa ku warantay in 104-qof oo Soomaali ah oo lasocday doomaha yaryar ay soo gaareen xeebaha gobolka Hadramuut.

Dadkaas ayaa waxaa ku jira 9-qof oo dumar ah iyo saddex caruur oo da’a yar,waxaana intaas kadib loo wareejiyey xeryaha qaxootiga ee ku yaalla gobolka Shabwa kadib markii ay Booliska baaritaan ku sameyeen.

Tan iyo wixii ka danbeeyey bad-furanka waxaa dalka Yemen kusii qulqulaayay Tahriibeyaal Soomaali ah oo ay weheliyaan dad Itoobiyaan ah kuwaas oo doonaaya in ay helaan nolol ka wanaagsan midki ay ku jireen.

Horseed Media