golis

Tahriibeyaal Soomaali iyo Itoobiyaan Oo Ku Geeriyooday Xadka Sacuudiga iyo Yemen

Tahriibeyaal isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku geeriyooday xadka u dhaxeeya wadamada Yemen iyo Boqortooyada Sacuudiga.

Hay’ada IOM ee qaabilsan arimaha dadka soo haajiray ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 30-tahriibeyaal Soomaali iyo Itoobiyaan ay dhinteen asbuuci lasoo dhaafay kadib markii ay dalkeeda kasoo musaafurisay Sacuudiga.

Jemini Pandya oo ah Afhayeenka Hay’adaas ayaa sheegtay in dadkaas qaarkood ay u dhinteen gaajo,xanuun iyo jirdil loo geystay.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in dadkaas tahriibeyaasha ay kusoo qaaday gawaarida loo yaqaano basaska,waxaana ay keentay halka lagu magacaabo Haradh oo u dhaxeysa Yemen iyo Sacuudiga.

Sanadweliba dalalka Yemen iyo Boqortooyada Sacuudiga waxaa si sharci darro ku gala Tahriibeyaal Soomaali iyo Afrikaan kuwaas oo dalalkooda uga soo cararay dagaalada iyo dhibaatada dhanka nolosha ee ka jira.

Horseed Media