golis

Tahriibeyaal Soomaali Ah Lagu Xirey Dalka Yemen

Ciidamada amaanka ee dalka Yemen ayaa xabsiga u taxaabay tahriibeyaal Soomaali ah oo halkaas qaab sharci darro ah ku galay.

Wasaarada arimaha gudaha ee Yemen ayaa sheegtay in shalay oo axad ah xeebaha Bari ee Yemen ay soo gaareen ilaa 75-qof oo tahriibeyaal ah Soomaali.

Tahriibeyaasha ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada amniga ee dalka Yemen kuwaas oo xabsiga geeyey iyadoo baaritaan kadib lasii daayey qaar kamid ah.

Qaar kamid ah tahriibeyaasha waxaa la geeyey Xerada qaxootiga ee Ma’ifa oo ay gacanta ku hayso hay’ada Qaramada Midoobay ee qaxootiga aduunka UNHCR.

Dalka Yemen ayaa waxaa sanadkasta si tahriib ahaan ku gala kumanaan kun tahriibeyaal Soomaali ah oo ka cararaaya dhibta ka jirta dalkoodi Hooyo.

Horseed Media