golis

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqay in ay ka Shaqeeyaan Nabadda

Wakiilka Midowga Afrika ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay fursad siiyaan nabada kana shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabada iyo kala dambeyntii ka jirtay dalkoodi.

Ambassador Jerry Rawlings ayaa hadalkaas ka jeediyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu ka dhacay shir looga hadlaayay arimaha Soomaaliya oo ay yeesheen waddamada xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD.

Wuxuu sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay xal u helaan mushkilada ka taagan dhulkoodi Hooyo isla markaana codsaday in gacan laga siiyo.

Wakiilka cusub Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya ayaa soo noqday Madaxweynaha dalka Uganda,waxaana uu dhowaan Madaxweynaha Federaalka Shariif Sheikh Axmed kala hadley sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Horseed Media